4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2019
Qarax dhimasho sababay oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Isniin, October, 28, 2019 (HOL)- Qarax miino oo lagu bartilmaameesanayay haweenka dowladda hoose ee ka shaqeeya nadaafadda ayaa saakay ka dhacay Wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

Qaraxan oo ka dhashay Miino lagu hoos qariyay Qashin ayaa gaar ahaan ka dhacay Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, waxaana inta la xaqiijinayo ku geeriyootay Haweeneyn ka mid aheyd shaqaalaha dowladda hoose ee ka shaqeeya Nadafadda.

Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tagay goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo halkaa ka qaaday meydka qofka dumarka ah ee ku dhintay Qaraxan.

Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale  loo bartilmaameedsado shaqaalaha Nadaafadda ee Dowladda Hoose, iyadoo dhowr jeer oo hore qaraxyo noocan oo kale ah ay ku nafwaayeen tiro badan oo shaqaalahan ka tirsan,  mana jirto cid sheegata qaraxyada noocan oo kale ah, balse dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]