4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2019
James Swen'' Waan in la soo celiyaa wadashaqeyntii Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada

 

Isniin, October, 28, 2019 (HOL)-Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya Mr James Swan ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada.

Hadalka ayuu ka sheegay kaddib kulan maalintii shalay magaalada Garoowe uu kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo laftirkiisa uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in wada-shaqeynta dowladda  iyo Dowlad goboleedyada  ay horseedi karto in la helo nabad iyo amni waara taasina looga baahan  yahay in la hirgeliyo.

James Swan ayaa gaar ahaan ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in soo celiso wadashqeyntii kala dhaxeysa Dowlad gobolleedyada islamarkaana la xaliyo Khilaafka gaar ahaan kala dhaxeeya Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu gacanseyrtay dib u doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hasse ahaatee waxaa doorashadaa si buuxda u taageeray maamul gobolleedka Puntland iyo madaxweyne Deni uu ka qeybgalay munaasabadii caleemo saarka Axmed Madoobe ee ka dhacday magaalada Kismaayo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]