3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Trump oo xaqiijiyay geerida hoggaamiyihii Daacish

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump ayaa sheegay in hoggaamayaha ururka Daacish,Abu Bakr al-Baghdadi lagu dilay weerar milatariga Mareykanku ay ka fuliyeen shalay gudaha Syria.

Trump ayaa sheegay in Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa ah, iskuna qarxiyay suunka qaraxyada oo uu xirnaa, iyadoo qaraxaasina ay ku dhinteen sadde carruur ah oo uu dhalay.

“Marekanka wuxuu caddaaladda marsiiyay hoggaamiyihii ugu weynaa argagixisada.” ayuu yiri Trump oo la hadlay saxaafadda.

Wuxuu sheegay howlgalkaa oo habeenkii Sabtida ka dhacay magaalada Idlib ee waqooyiga bari dalka  Suuriya inaysan wax ku noqon Askarta Marekanka.

Isagoo sii hadlaya, madaxweynaha Marekanka wuxuu sheegay in 11 carruur ah laga badbaadiyay guriga uu degganaa - “ Dunidda hadda waa amni waayo waxaa la dilay ninkii ugu cadowsanaa.” ayuu raaciyay.

Hoggaamiyaha kooxda isku magacowda dowladda Islaamka ayaa lagu sheegay ninka loogu doonista badnaa caalamka, bishii October ee sanadkii 2011- ka Marekanka wuxuu u aqoonsaday ‘argagixiye’, waxaa markaa la dul-dhigay 10 milyan oo doollar oo la sheegay in lagu abaalmarin doono ciddii xog sahlaysa in nolasha lagu qabto ama la dilo soo gudbisa.

Kooxda uu hoggaamin jiray ee Daacish, waxay sheegatay mas’uuliyada iyo abaabulka weerarro dad badan lagu dilay oo meelo badan oo caalamka ah ka dhacay.

Baqdaadii, waxaa magaciisa dhabta ah lagu sheegaa  , Ibaarim Awad Al-badri, wuxuu ku dhashay sanadkii 1971-kii deegaan ku dhow Samarra oo dhacda waqooyiga magaalada Baghdad.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]
    













Click here
10/27/2019 12:17 PM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga.

10/27/2019 11:54 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,halkaa oo uu kula kulmay madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda.

10/27/2019 11:50 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Golaha degaanka ee Buuhoodle oo lagu dhawaaqay ayaa xiisad ka dhex abuuray degmada Buuhoodle, markii beelo badan ay iska dhex waayeen.

10/27/2019 8:02 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-murtiyeed ka soo saaray rabshadihii ugu danbeeayay ee ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababab

10/27/2019 7:37 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa gargaarkii ugu horreeyay soo gaarsiisay magaalada Beledweyne si loo caawiyo Kumannaanka Ruux ee ku barakacay dulleed magaalada Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle

10/27/2019 5:03 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Duqeyn diyaaradaha Mareykanka Jimcihii shalay ay ka fuliyeen gobolka Bari gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ee Golis ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Labo ruux oo rayid ah.

10/27/2019 4:36 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Mareykanka ayaa qaaday howl gal lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyaha kooxda ISIS, Abu Bakr al-Baghdadi, sida laga soo xigtay saraakiisha Marekanka.

10/27/2019 2:13 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)- Wadayaasha gaadiidka BL-ka dadweynaha ayaa saakay xiray Isogyska KM4 oo ah marin muhiim u ah isku socodka guud ahaan magaalada Muqdisho.

10/27/2019 2:02 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda kuwaa oo qiimeynaya ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

10/27/2019 1:19 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Aqalka sare oo ayaa maanta mar kale kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyaga oo ka doodi doona ajandayaal iyo hindise sharciyeedyo muhiim ah.

10/27/2019 12:58 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax miino oo ka dhacay deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellha Hoose.

10/27/2019 12:37 AM EST
Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Waxaa saacadihii ugu danbeeyay sara u kacay biyaha Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhamaaba xaafaddaha magaalada Beledweyne oo dusha sare marka aad ka eegto ay kugu adkaaneyso in aad kala garato Wabiga iyo guryihiin ay dadku ku noolaayeen oo intooda badan biyaha ka sara mareen.