4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Xiisad ka taagan golaha degaanka ee Puntland u dhistay degmada Buuhoodle

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Golaha degaanka ee Buuhoodle oo lagu dhawaaqay ayaa xiisad ka dhex abuuray degmada Buuhoodle, markii beelo badan ay iska dhex waayeen.

Dhismaha golahan ayaa ilaa bilawgiisii ahaa mid xadhig jiid badan iyo docadocayn darafyo badan ahi hadheeyeen iyadoo degmadan ay lahayd gola degaan oo maamulkii murugey ee Khaatumo ay dhiseen isla markaana waxqabad badan ka fuliyey magaalada.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha xukuumada waxa ay dhaqaaqeen markii ay hawsha dhameeyeen iyaga oo aan sugin hadalka beelaha cabanaya waana taas ta keentay in calaamad su'aal la saaro mustaqbalka golaha degaanka ee cusub ee ay Buuhoodle yeelanayso.

"Gole degaan waa la dhisay illaa intii ay hawshu socotey cabashada beelaha laga tegey waa taagnayd waxaase dhab ah in aan hasal la siin oo xitaa aan laysku deyin in la qanciyo" sidaa waxaa HOL u sheegay mid ka mid ah ragii hawsha wax ka wadey balse in aan magiciisa la shaacin codsaday.

Qaar ka mid ah golaha degaanka ee horey u jirey oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay ku tilmaameen ruwaayad ay Puntland reer Buuhoodle u jilayaan doonayaan in ay amniga ku khalkhal geliyaan.

Dhinaca kale Somaliland oo iyadana maamul heer gobol, Degmo iyo ciidamaba ay ka joogaan Buuhoodle ayaa arintan u aragta daandaansi iyo xadgudub badheedh ah, in jawaab ka bixinayaana wacad ayay ku mareen.

Su'aasha dadku isweydiinayaan ayaa ah intee gole degaan ayay degmada Buuhoodle yeelan doontaa iyadoo haatan labo ka dhismeen dhinaca Soomaaliya kii Somalilandna ay hada hawshoodu qasab tahay inuu bilaabmo.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool