4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Dowladda oo gargaarkii ugu horreeyay soo gaarsiisay magaalada Beledweyne

 

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa gargaarkii ugu horreeyay soo gaarsiisay magaalada Beledweyne si loo caawiyo Kumannaanka Ruux ee ku barakacay dulleed magaalada Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Diyaaradda siday gargaarkan ayaa waxaa la socday qaar ka mid ah guddigii gurmadka Fatahaadda ee maalintii shalay uu ku dhawaaqay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyaga oo ka qeybqaadan doonna howlaha gurmadka iyo isku xirka gargaarka la gaarsiinayo kumannaanka ruux ee ku barakacay fatahaadaha. 

Xaawo Axmed Rijaal oo ah Isku duwaha Maareynta Gargaarka ee Gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegtay in  diyaaraddan ay siday agab isugu jira Teendhooyin, Maacuun  iyo Agabyo kale oo loogu tala galay lagu caawiyo dadka ay saameynta ku yeelatay Fatahaada.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada ay soo gaaraan diayarado kale oo sida gurmad ay dowladdu ugu talagashay dadka ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Wasaarrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowladda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya dowladda qorshe ka yeela doonto sidii xal loogu heli lahaa Fatahaada joogtada noqotay ee uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa sanad waliba uga barakaca guryahooda Daadad ku soo rogmada gaar ahaan xiliyada Roobka gaar ahaan marka ay ka da'aan dhulka sare Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]