4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Dad rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Bari

 

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Duqeyn diyaaradaha Mareykanka Jimcihii shalay ay ka fuliyeen gobolka Bari gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ee Golis ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Labo ruux oo rayid ah.

Odayaasha deegaanka Camaara ee gobolka Bari ayaa sheegay in ay heleen meydadka labo ruux oo ku dhintay duqeynta diyaaradaha Mareykanka iyo qof rayid ah oo uu dhaawac soo gaaray.

Hasse ahaatee saraakiisha howlgalka Mareykanka ee Africom kama aysan hadlin arintan ku saabsan dadka rayid ah ee ku dhintay duqeynta ay ka fuliyeen gobolka Bari iyaga oo warbixintooda ku sheegay oo kaliya in weerarkaa ay ku dileen saddex ka tirsan dagaalyahannada ISIS.

Inta badan duqeymaha diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay wax yeelo ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]