4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Muqdisho

 

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda kuwaa oo qiimeynaya ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Xildhibaannada waxaa hoggaaminaya Wasiiru dowlaha Difaaca dalka Uganda  Col. Charles Engole Okello iyo Guddoomiyaha Gudiga Difaaca ee Arrimaha  gudaha ee Baarlamaanka Uganda Doreen Amule iyo xubno kale oo ka tirsan  Guddiyada Baarlamaanka.

Waxey booqan doonaan inta ay joogaan magaalada Muqdisho xarumaha howlgala Ciidamada Uganda, iyagoo la kulmi doona askarta iyo Taliyeyaasha ciidamada sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay taliska AMISOM.

Sidoo kale xubnaha wafdiga inta ay joogaa magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoonka Baarlamaanka.

Maalintii shalay ayeey wafdigan la kulmeen Saraakiisha sarsare ee howlgalka  AMISOM, sida Kuxigeenka Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon  Mulongo iyo Taliyaha Guud ee AMISOM. Tigabu Yilma Wondimhunegn.

Booqashada wadiga oo noqoneysa tii ugu horeysay ayaa marka ay dib ugu laabtaan dalkooda waxaa ay warbixin ka sii doonaan Baarlamaanka dalka Uganda qaabka howlgalka ciidamada ka jooga Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]