4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax miino oo saakay ka dhacay deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay uu haleeyay saddex ruux oo isla saarnaa Mooto nooca Feykoon kuwaa oo la sheegay in dhamaantood ay goobta ku gaeriyoodeen.

Saddex ruux ee la socday Moontada kuna geeriyooday Qaraxa ayaa lagu waramayaa in ay ku sii jeedeen dhinaca degmada Afgooye, balse inta aysan gaarin uu qaraxan haleelay.

Dadka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxan mino uu u muuqday mid lagu bartilmaameesanayay gaari nooca Cabdi Billaha ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo goobta marayay.

Halka uu qaraxa ka dhacay waxaa tegay ciidamo ka tirsan iyo dadka deegaanka oo qaaday meydadka saddex ruux ee la socday Mootada uu qaraxu haleelay.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyada qaraxan, hasse ahaatee saraakiisha dowladda ayaa ku eedeya qaraxyada noocan ah in ay ka danbeyaan Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]