4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Wararkii ugu danbeeyay ee fatahaadda magaalada Beledweyne


Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Waxaa saacadihii ugu danbeeyay sara u kacay biyaha Wabiga Shabeelle oo ku  fatahay dhamaaba xaafaddaha magaalada Beledweyne oo dusha sare  marka aad ka eegto ay kugu adkaaneyso in aad kala garato Wabiga iyo guryihiin ay dadku ku noolaayeen oo intooda badan biyaha ka sara mareen.

Xaafaddaha qaar waxaa wali ku dhax go'doosan dad u badan Waayeel Haween iyo Carruur qaarkood looga saarayo Doomo loogu talagalay in lagu soo samata-bixiyo dadka awoodi waayay in ay soo jiiraan mowjadaha biyaha.

Fatahaadan oo noqoneysa mid ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee soo mara magaalada ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay Goobihii Ganacsiga gaar ahaan Bakhaaradda waaweyn ee lagu iibiyo raashinka oo ay biyuhu buux dhaafiyeen,

In ka badan 50 Kun oo Qof ayaa u barkacay dhulka sare ee Bariga magaalada gaar ahaan deegaanka Ceel Jaalle oo ay dadku ka dhisteen wax kasta oo ay heli kareen, waxaana halkaa ka jira xaalad dhinaca nolasha ah oo aad u adag.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday guddi heer Wasiirro ah oo ka shaqeyn doona gurmadka loo fidinayo dadka ku barakacay Fatahaada oo u baahan gargaar deg deg ah.

Guddoomiyaha guddiga oo ah Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa oo la hadlay BBC da ayaa sheegay dhawaan magaalada Beledweyne ay gaari doonaan guddigooda, iyadoo tallaabada ugu horeysay oo ay qaadayaan noqon doonto sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaannada loo barakacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]