4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2019
Gaadiidley ka cabaneysa xirnaashaha jidadka oo dibadbax ka dhigtay magaalada Muqdisho

 

Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Boqolaal ka mid ah gaadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay dhiggaan dibadbax ay uga soo horjeedaan jidadka xiran.

Dibadbaxayaasha ayaa meelaha  rashado ka dhigay iyaga oo dhagaxyo ku tuurayay goobaha ganacsiga, taasoo keentay ay saameyn ku yeelato gacansiga magaalada iyo isku socodkii dadweynaha.

Jidadka dibadbaxyadu saameynta ku yeesheen ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska  Zoobe, Buulo-Xuubeey iyo  qaar kale, waxaa kale oo la diiday xataa gawaarida ciidamada in ay adeegsadaan jidadkaas.

Milkiilayaasha gaadiidka iyo darawalada ayaa ku doodday in dowladda rabto in ay ka qaado canshuur taa badalkeedana xirtay jidadka, iyaga oo arintaan ku tilmaamay mid aan macquul aheyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa sababo amniga la xiriira u xirtay inta badan jidadka Muqdisho, waxaana ay arintan caqabad weyn ku noqotay isku socodka magaalada madaama gaadiidka aan loo ogoleyn in ay isaga gudbaan degmooyinka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]