3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2019
Mareykanka oo gobolka Bari duqeyn ku dilay dagaalyahanno ka tirsan ISIS

 

Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Duqeyn ay ka fuliyeen diyaaradaha Mareykanka gobolka Bari gaar ahaan Buuraleyda Golis ayeey saraakiisha Mareykanku sheegeen in ay ku dileen saddex ruux oo ka tirsan ISIS.

''Buuraleyda Golis waa meel caan ku ah kooxaha argagixisada gaar ahaan ISIS ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay saraakiisha Mareykanka ee Africom.

Warka ka soo baxay Africom ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalada noocan oo kale ah iyo duqeymaha cirka ee Mareykanka yihiin kuwo taageerro militari siinaya Dowladda Soomaaliya si looga adkaado kooxaha argagixisada sida ISIS iyo Al-shabaab.

Weerarrada duqeymaha Mareykanka ayaa sanadkan 2019 kordhay, iyaga oo fuliyay ilaa 55 weerar oo dhinaca cirka marka la barbardhigo sanadkii 2018 oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka 47 duqeymo dhinaca cirka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 

 

 













Click here
10/26/2019 10:15 AM EST
Sabti, Octobar 26, 2019 (HOL )– Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda qaranka, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtey Khayriyadii hore ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.

10/26/2019 9:06 AM EST
Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa isaga baxay Kalfdhiggii 45aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay kaddib markii su'aalo adag lagu weydiiyay.

10/26/2019 8:37 AM EST
Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynta dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

10/26/2019 6:21 AM EST
Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan uusan aheyn mid qabiil kaliya u daneynaya ama u adeegaya, isaga oo intaa ku daray in magaca Ogaden ka tanaasulayaan haddii maslaxad loo arko.

10/26/2019 4:43 AM EST
Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Boqolaal ka mid ah gaadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay dhiggaan dibadbax ay uga soo horjeedaan jidadka xiran.

10/26/2019 2:12 AM EST
Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ciidamo dheeraad ah geysay degmada Dhuusa-Mareeb oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

10/26/2019 12:33 AM EST
Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dileen taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalada Wadooyinka Puntland.

10/26/2019 12:21 AM EST
Sabti, October 25, 2019 (HOL )– Labaddii cisho ee u dambeeyey magaalooyinka Somaliland ayaa waxa ka dhacay jaad la’aan ka dib markii qoomiiyada Oromiya rabshado ka dhaceen oo la xidhay jidadkii magaalooyinkoodda soo galayey iyo kuwii ka baxayey.