4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2019
Hargeysa oo labo maalmood uusan Qaad iman sababo la xiriira rabshadaha ka jira deegaanka Oromada

 

Sabti, October 26, 2019 (HOL )–Labaddii cisho ee u dambeeyey magaalooyinka Somaliland ayaa waxa  ka dhacay jaad la’aan ka dib markii qoomiiyada Oromiya rabshado ka dhaceen oo la xidhay jidadkii magaalooyinkoodda soo galayey iyo kuwii ka baxayey.

Maalmaha jaadku maqnaa waxa wadooyinka lagu arkayey dad faro badan oo iskugu soo baxay jaad la’aanta, kuwaas oo suuqyadii kala xidhay,isla markaana qaylo iyo buuq loo mari la’aa wadooyinka, halka qaarkoodna dadka dariiqyada maraya ku qaylinayeen, iyagoo maararow iyo wakhti lumis ka dhiganaya.

Sidoo kale, jaad la’aanta Hargeysa waxa laga dareemay hoteelada Cuntadda oo la camirey oo dakhli badan soo galeen, waxaanay halkii Qaadka galiyeen cunto, taas oo macaash badan ka heleen hoteeladii labadi cisho, waxa kale oo iyaguna dakhli fiican ka helay beeraha lagu beero Jaad wadaniga ah oo aad loo kala iibsanayey.

Magaalada Hargayga ayaa la keenay jaadka Miirooga ee Kenya oo laga soo daaburey magaaladda Laascaanood oo ah magaalada kaliya ee Somaliland laga isticmaalo jaadka Miirooga ah.

Killooga Miiroga ah oo awal la kala siisan jirey 150 dollar, waxa shalay lagu iibinayey 300 dollar, waxa safaf dhaadheer loogu jirey goobta kaliya ee iibinaysay oo ka soo horjeedday jeelka weyn ee magaaladda Hargeysa.

Jaadkii Itoobiya ka imanayey waxa uu si rasmiya usoo gallay xalay xili dambe illa saakka, inkastoo uu wali qaali yahay hadana maanta gaadiid faro badan oo jaad sita soo gallay.

Si kasta oo beeraha jaadka laga keeno loo xidho hadana si biimo ah ayaa loo soo qaada jaadka , taas oo mararka badan khatar galisa kuwo jaadka soo qaadaya, waxaanay maalmahan oo kale shirkadaha jaadku u dhiibaan gaadiidka ninba ninka uu ka calool adag yahay ee uu xoog ku jiidhi karo jidadka xidhan sida ay ii sheegeen dadka jiidka iibiya.

Miisaaniyada Somaliland ayaa la sheega inay ka hesho cashuurta faro  badan, waana kastama labaad ee  cashuuraha laga helo, waxa kaliya oo horeeya Dekadda Berbera, maalmaha la waayo dawladu waxay dareenta dakhligii ka soo gali jirtay.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.