Talaado, October, 22, 2019 (HOL) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay hay'adda samafalka in deg deg loo caawiyo dadka barakacay fatahaadda ay sameynayaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.
War ka soo baxay Wasaarradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay sameeyeen fatahaado ,islamarkana xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay saameynta ka dhalan karta.
Gaar ahaa waxaa ay Wasaarradu sheegtay in magaalada Beledweyne oo kaliya si iskood ah uga barakaceen dad gaaray 12, 000 oo Qof, kuwaa qaarkood uu saameyn ku yeeshay fatahaad uu wabigu ka sameeyay qeybo ka mid ah xaafaddah magaalada.
hay’adaha Caalamiga ah ayeey ugu baaqday in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ka barakacay fatahaadaha iyo daadka roobka deyrta oo deegaano badan ka da’ay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]