4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2019
Puntland oo is hortaagtay xafiisyo Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ka furteen deegaan doorashadooda

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad gobolleedka Puntland ayaa Qoraal ay soo saarta ku sheegtay in aysan wax sharciyad ah heysan xafiisyo xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Federaalka ka furteen deegaan doorashadooda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa ayaa la sheegay ay ka furteen xafiisyo deegaan doorashadooda oo ay ugu tala-galeen xiriirka bulshada ay ku matalaan guud ahaan Dowladda.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu yiri’’ Wasaarradu waxey cadeyneysaa in xildhibaannada Federaalka ee waqtigoodu sii dhamaanayo aysan ku iman hab deegaan laakiin ay ku soo baxeen habka beelaha .

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland :-

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]