4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay habka bixinta Rukhsadaha Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay Qaabka Guud ee Bixinta Rukhsadaha Isgaarsiinta Dalka (Unified Licensing Framework - ULF), kaas oo lagu nidaaminayo rukhsadaha isgaarsiinta dalka, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb galeen shirkadaha isgaarsiinta, teknolojiyada, warbaahinta, iyo wasaaradaha dawladda ee ay khuseyso.

Nidaamkan cusub ee ULF ayaa u oggolaanaya shirkadaha isgaarsiinta in ay bixin karaan adeegyo kala duwan iyagoo isticmaalaya rukhsad aan ku xirneyn teknolojiyad si loo dhiirri-geliyo hal-abuurka, dadweynahana loogu fududeeyo inay shirkadaha ku kala xulan karaan hadba teknolojiyada ay xiiseynayaan. Ka sokow noocyada loo kala qeybiyay, hannaanka cusub wuxuu shirkadaha ku waajibinayaa shuruudaha looga baahan yahay marka ay adeegga bixinayaan si loo ilaaliyo xuquuqda macaamiisha iyo tan dawladda.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, oo ka hadlayay furitaanka kulankan wada-tashiga ah ayaa sheegay in nidaamkan la soo diyaarinayay 12kii bilood oo la soo dhaafay, iyadoo feker iyo waayo-aragnimo laga soo qaatay dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Aasiya. “Maadaama aan wax cusub sameyneyno, waxaan ka billaabeynaa meesha uu adduunka maanta marayo, sidaasi darteed nidaamkan waa mid tixgelinaya duruufaha dalka, isla markaana la jaan-qaadaya heerka uu marayo adduunka,” ayuu yiri Maareeyuhu.


Ka-soo-qeybgalayaasha ayaa aad u soo dhoweeyay nidaamkan cusub, iyagoo sheegay in maadaama aysan jirin nidaam cad oo dhinaca rukhsadaha ah inay abuurtay fowdo dhinaca suuqa oo caqabad ku noqotay in maalgelin dheeri ah lagu sameeyo.

''Dalkeenu ma lahayn nidaam rasmi ah oo rukhsadaha isgaarsiinta iyo mowjadaha lagu bixiyo tan iyo 1991-kii markii ay shaqada joojiyeen shirkaddii isgaarsiinta, idaacaddii iyo telefishinkii ay dawladdu maamuleysay, kuwaasoo aysan cidina la wadaageynin mowjadaha. Nidaamka maanta la soo bandhigay ayaa ka mid ah tallaabooyin kala duwan oo ay Xukuumaddu ku dooneyso in lagu nidaamiyo dhaqaalaha dalka, iyadoo taasina qeyb tahay hal-beegyada ugu waaweyn ee Tubta Dhaqaalaha''

Hay’adda Isgaarsiinta oo adeegsaneysa hannaan la-tashi oo daah-furan ayaa daneeyeyaasha kala duwan u qabatay illaa 5ta December 2019 inay ka soo talo bixiyaan, iyagoo halkan ka heli kara dokomintiyada khuseeya arrintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]