4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Xildhibaannada Wasiirrada ah oo loogu baaqay in ay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay xildhibaannada Wasiiradda ah in ay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaannada Wasiirrada ah yihiin kuwo aad u badan oo looga maarmin in ay yimadaan fadhiyada Golaha Shacabka, madaama ayuu yiri uu Golaha horyaallaan shaqooyin badan oo u baahan in si wada jir ah looga gudbo.

''Tirada Golaha Wasiirada waa kuwo aad u badan, ma aha tiro yar, in ay shaqo kale oo Qaran jiraan ma'aha e' waa in ay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka ayuu yiri'' Guddoomiye Mursal.

Xildhibaannada Golaha Wasiirada ayaa la sheegaa in ay fadhiyada Golaha Shacabka soo xaadiraan oo kaliya marka ay jiraan arrimo xasaasi ah oo quseeya xukuumadda, balse aan soo xaadirin marka laga hadlayo Ajandayaasha kale ee aan sida toos ah ku quseyn howlaha xukuumadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]