4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay ku shiray xarun cusub oo ay u dhistay dowladda Turkiga


Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kualnkoodii ugu horeeyay Kalfadhiga 6aad ku yeeshay xarun cusub oo ay u dhistay dowladda Turkiga.

Dhismahan cusub oo ku dhax yaala xarunta Villa Hargeysa ayaa loo dhisay qaab casri ah oo ka duwan dhismaha xaruntii hore ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa hadal jeedinta Guddoomiyaha golaha shacabka iyo akhrinta 1aad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka iyo midka dabiiciga.

Xildhibaannada Qaar ayaa dhaliilay ajandaha kulanka oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid baalmarsan wacyaga uu dalku ku sugan yahay, loona baahnaa in Baarlamaanku ka dooddo xaalada cakiran Amni, siyaasad iyo xiriirka aan wanaagsaneyn Dowladda Dhexe iyo Dowlad gobolleedyada.

Warbaahinta madaxa-banaan ayeey ku adkaaneysaa in ay ka qeybgalaan wixii hadda ka danbeeyay fadhiyada Baarlamaanka oo ka dhici doona xarunta cusub ee Villa Hargeysa ee gudaha Madaxtooyada Soomaaliya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]