4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Mareykanka oo xoojinaya Amaanka Saldhiga militari oo ay ku leeyihiin Soomaaliya ee 'Balidoogle''

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Dowlada Mareykanka ayaa sare u qaadeysa Amaanka saldhigooda militari ee ku yaala Soomaaliya gobolka Shabeellaha Hoose ee Balidoogle oo  dhawaan ay weerar ku qaadeen xoogagga Al-shabaab.

Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay Wargeyska Indian Ocean Mareykanka ayaa ku guda jira sameynta qaab Online ama Internetka ah oo lagula socon karo dhaqdhaqaaqa iyo nabad-galyada saldhigooda ciidan ee gobolka Shabeellaha hoose oo lagu xiriirinayo saldhiga ay ku yihiin  dalka Jabuuti ee Lem'Lemninier''

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga Balidoogle 30kii bishii September, hasse ahaatee waxaa weerarkaa markiiba ka hortagay ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo xoogaggii weerarka soo qaaday laga dilay in badan oo ka mid ah.

Saldhiga Balidoogle ayaa u ah Mareykanka saldhigooda ugu weyn oo ay ku sugan yihiin ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyaga oo halkaa sidoo kale ku tababara ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa DANAB ee gobolka Shabeellaha Hoose kula dagaala xoogagga Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]