4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Maxaa ka jira in shaqaalaha shirkadda Boeing ay sii ogaayeen cilladda haysata nooca 737 Max

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Shaqaalaha shirkadda sameysa diyaaradaha ee Boeing ayaa sanadkii 2016 la sheegay in ay isu direen farriimo ku saabsan cillad ay ku arkeen diyaaradda nooca 737 Max oo ahayd noocii labada jeer galaaftay nolasha boqolaal qof.

Dukumeentiyo qoraal ah oo shirkaddani Boeing ay ku wareejisay garyaqaannadeeda ayaa muujinayay in mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaraddaasi uu sheegay in dhibaato aan horey loo sii shaacin uu la kulmay xilli uu tijaabinayay diyaaraddaasi.

Waxa uu sheegay in "isaga oo aan is ogayn" uu been ugu sheegay hay'adda ilaalisa badqabka diyaaradaha ee Mareykanka.

Cillad dhanka hannaanka badqabka ee diyaaraddaasi ayaa lala xiriirinayaa laba shil oo ay ku dhinteen 348 qof.

Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo nooceedu ahaa 737 Max ayaa bishii Maarso ee sanadkan burburtay daqiiqado uun ka dib ay ka duushay garoon ku yaal magaalada Addis Ababa, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]