4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Maamulka Jalalaqsi '' Waxaan dilnay 20 xubnood oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Maamula degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in weerar qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen 20 xubnood oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab oo la socday gaari Caasi ah [Hoomeey]

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay VOA ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamadu uga jawaabayeen dad shacab ah oo Al-shabaab ay ku dileen deegaan hoostaga degmada Jalalaqsi.

''Waxaan ka furanay hub kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qoriga Baasuukaha ah ee wax lagu qarxiyo iyo ilaa 18 qori oo kuwa AK47ka, dhamaantoodna goobta ayaa lagu dilay'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jalalaqsi.

Ma uusan sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada weerarkan fuliyay oo sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha ka foojignaa khasaare ka soo gaari kara weerarka ay ku qaadeen gaariga ay la socdeen xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]