4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Taliye ka tirsanaa ciidanka militariga Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Warar soo baxaya ayaa sheegaya is rasaaseyn caawa ka dhacday agagaarka Ex Hotelka Naasahablood2 ee magaalada Muqdisho in lagu dilay mid ka mid ah taliyayaasha hoggaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Madaxeey Saleebaan ayaa lagu waramayaa in gaari uu la socday ay rasaas ku fureen Ilaalo ku sugneyd hotelka Naasahablood2, waxaana is rasaaseyn kooban oo goobta ka dhacday ku dhintay taliyaha iyo mid ka mid ah  ilaaladii la soctay.

Sarkaalka la dilay ayaa siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay dowladdihii iyo madaxdii xukunka isaga danbeysay, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradii wax ka soo baratay dalka dibadiisa.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay laamaha Amaanka ka soo saareen dilka taliyaha oo sidoo kale hoggaaminayay howlgalkii ciidamada dowladda ay ku qabsadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]