4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Soomaali u sharaxan doorashada Federaalka ee dalka Kanada

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL) - Afar musharax oo ka soo jeeda Soomaalida haysata dhalashada dalka Kanada  ayaa u sharaxan doorashada dhawaan ka dhicidoonta dalka Kanada. Waana markii ugu horreeysay taariikhda dalkan Kanada oo ay iska soo sharaxaan tiro intaa la eg oo ka soo wada jeeda Soomaalida ku nool dalka Kanada.

Musharixiintaan ayaa waxay ka kala sharaxan xisbiyada soo socda:


1)      Axmed Xuseen oo hadda ah wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa Xisbiga Liberaalka uga  sharaxan xaafadda York South—Weston ee magaalada Toronto. Mudane Axmed Xuseen ayaa doorashadii la qabtay 2015 wuxuu ku guuleystay cod ka badan 20,000 ama 46%. Halka xisbigii ku soo dhawaa oo ahaa NDPga uu helay cod gaaraya 13200 ama 30%

Deegaanka uu ka sharaxanyahay Axmed Xuseen ayaa lagu tilmaamaa in ay deggen yihiin Soomaalia badan.


 

2)      Dr. Xabiiba Maxamuud ayaa sidoo kale u sharaxan  Xisbiga Liberaalka ee  Xaafadda Griesback ee magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta. Dr. Xabiiba ayaa ah bare wax dhigta Jaamacadda MacEwan ee magaalada Edmonton. Doorashadii ugu dambeysay ee la qabtay 2015 waxaa ku guuleystay xisbiga Conservativeka oo helay cod dhan 19,157 ama 39.96%.


 

3)      Cabdul Cabdi ayaa u sharaxan xisbiga Conservativeka ee xaafadda Nepean, galbeedka Magaalada Ottawa ee gobolka Ontario. Waa markii labaad ee Cabdul iska soo sharoxo isla deegaanka uu hadda ka sharaxan yahay. Mushrax Cabdul ayaa wuxuu ka mid yahay Booliska magaalada Ottawa, wuxuuna hadda fasax ka qaatay shaqadiisa si ugu ololeeyo mushaxnimadiisa. Doorashadii ugu dambeysay ee la qabtay 2015 ayaa waxaa deegaankaan ku guuleystay Xisbiga Liberaalka oo helay cod gaaraya 35,212. Magaalada Ottawa ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada labaad oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan dalka Kanada.


 

 

 

4)       Naciima Faarax ayaa u sharaxan xisbiga NDPga ee xaafadda Etobicoke North ee magaalada Toronto. Naciima aya ah gabar u dooda xuquuqda aadamiga (Human Rights advocate). Waxayna ka howl-gashaa arrimaha la xiriira dhallinyada. Doorashadii la qabtay sannadkii 2015 ayaa waxaa deegaankaan ku guuleystay xisbiga Liberaalka oo helay cod gaaraya 26,281. Deegaanka Etobicoke North ayaa waxaa lagu tilmaamaa in deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool magaalada Toronto

Doorashada federaalka ee dalka Kanada ayaa la filayaa in ay dhacdo 21ka bishan Oktoobar. Kala soco HOL natiijada aftaan qofood oo ka kala sharaxan magaalooyinka Toronto, Ottawa iyo Edmonton oo ah halka ay ugu badan yihiin Soomaalida ku nool dalka Kanada.