Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa durbaba bilaabay in ay isaga baxaan guryihiin ay degenaayeen, kaddib markii meelaha qaar wabigu ka sameeyay fatahaad aan badneyn.
Waxaa sii xoogeysanaya cabsida laga qabo in maalmaha soo socda wabigu ku fataho magaalada madaama la soo warinayo in ay jiraan dadaad xoog leh oo ka dhashay roobabka xiriir ah oo ka da'aya dalka Itoobiya ku darsamaan biyaha wabiga oo hadda maraya heerkiisii ugu sareeyay
Xaafaddaha ugu daran oo ay hadda bilaabeen in ay qoysaska isaga baxaan ayaa waxaa ka mid ah Xaawo Taako iyo Kooshin oo ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameynta ku yeelato.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]