4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Muran xoog leh oo ka taagan dhismaha golaha deegaanka Puntland ee Buuhoodle

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Xuno ka kala tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Puntland oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Buuhoodle ayaa u muuqda kuwo aan rajo weyn ka gaadhin dhismaha golaha degaanka.

Shirar gooni gooni ah, kuwo qabiilooyin wax tabanayaa leeyihiin iyo kuwo ay gacmo ka soo horjeeda hawsha la wado ayaa ka soconaya welina uma naasacada sidii ay maamilka Puntland ugamidho dhalin lahaayeen.
 
21 xubnood oo golaha dehaanka u meteli doonashacabka oo aan codina dooran ee la magcaabay ay saami qaybsi laga tuuray taasoo lafteedu noqotay mida xiisada cirka ku shareertay iyadoo dhamaan beelaha halkaasi dega oo 30 ku dhow ay diideen marka laga reebo waxyar oo ah kuwa loo tirinayo inay xaabsadeen.
 
Degmada Buuhoodle waxaa horey uga jirey gole degaan oo ay dhiseen maamulkii Khaatumo ee Burburay kaas oo hawlo baaxadleh ka qabtay degaanka sumcad badana kasbaday kuwaas oo iyana leh anagaa ah golaha degaanka ee jira, inaan mid kale inaan la dhisi karina hadaladooda ayay ka muuqatey horaantii bishan.
 
Magaalada Buuhoodle waa degmada keliya ee ee afar calan oo kala duwan ka taagan yihiin, Itobiya oo iyadu qaybta galbeed ka talisa siiba xaafada Zuweeto ama shaxda, sadexda kale maamulka Puntland ayaa ugu tugtug roon, Somaliland iyo Khaatumo oo raadkeedu halka keliya ee uu ka sii muuqdaaay Buuhoodle tahay.

Inkasta oo maamulka Puntland oo i soo diray buuhoodle xubnihii ugu badnaa  ee golayaasha kaga jira degaanka ayay dhabarjab ku noqonaysaa, iyadoo  aanay ka madhnayn xurgifta dhuleed ee ka dhexaysa puntland iyo  Somaliland.
 
Seynab Cabdi Warsame