4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ah gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud oo lagu wado in uu ka furmo kulan u dhaxeeya wafdiga dowladda iyo mas'uuliyiinta Ahlu Sunna.

Socdaalka wafdiga ayaa ee Dhuusa-Mareeb ayaa salka ku haya sidii loogu qanci lahaa mas'uuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca in ay la shaqeeyaan guddiga farsmada ee dowladdu u saartay dhismaha maamulka Galmudug iyo sidii loo soo anbaqaadi lahaa heshiiskii labada dhinac ee ku saleysnaa in la dhiso Galmudug raali leysaga wada hayay.

Maalinta berri ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay tagaan Dhuusa-Mareeb isla wafdi kale oo ka socda dowladda Federaalka kuwaa oo xoojinaya wada hadalada labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan xal u helida  tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlu Sunna si loo dhiso Galmudug loo  dhan yahay, islamarkaana la doorto hoggaanka maamulka Galmudug oo ay ku horgudbin yihiin culeys isugu jira kuwo siyaasadeed iyo deegaan intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]