4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Xiisad salka ku heysa Aano Qabiil oo ka taagan degmada Balanbale ee gobolka Galguduud

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Balanbale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo dhaxeysa labo maleeshiyo beelleed ay halkaaka taagan tahay, kaddib markii maalintii shalay lagu dilay deegaanka Qof Xoolo dhaqato ah.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi la xiriirta dagaal ka dhax qarxi kara labada maleeshiyo beelleed ee ka soo kala jeeda labada dhinac ee colaado u dhaxeyso mana jirto wax waan waan ah oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada.

Maamulka degmada Balanbale iyo saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug kama aysan hadal dilka Khamiistii shalay ka dhacay deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayaan isku hub uruursi labada dhinac ah, basle wali lama soo sheegin wax dagaal ah oo ilaa iyo hadda dhacay.

Dhawaan ayeey aheyd markii heshiis la dhax-galay labada beellood ee hadda xiisadu u dhaxeyso, kuwaa oo ka soo kala jeeda degmooyinka Guri-ceel iyo Balanbale.

Inta badan deegaannada dhaca gobollada bartaha Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaallo ka bilaawda dilal ku saleysan aargoosi qabiil, kuwaa oo marka danbe galaafta nolasha dad badan oo Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]