4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Qalab loo isticmaalo maandooriyaha oo maanta lagu gubay magaalada Jigjiga

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Hawlgallo ay fuliyeen Ciidanka Bookiska ee DDS ayaa lagu soo ururiyay waxyaabo loo isticmaalo maandooriyaha oo ay kamid tahay Shiishada iyo Xashiishadda.

Hawlgallo ay fuliyeen Ciidanka Bookiska ee DDS ayaa lagu soo ururiyay waxyaabo loo isticmaalo maandooriyaha oo ay kamid tahay Shiishada iyo Xashiishadda.

Haddaba hawlgalkaas kadib ayaa waxyaabihii lasoo ururiyay ee maandooriyaha loo isticmaalayay waxaa lagu gubay meel fagaare ah oo magaalada ka baxsan.
 

Jigjiga ayaa waxaa jiray meelo badan oo si caadi ah loogu isticmaali jiray qalabkan maandooriyaha loo isticmaalo, balse hadda albaabada loo laabay iyadoo wixii yaallayna laga soo qaaday. qalabkan maandooriyaha loo isticmaalo ayaa horey u ahaa mid aan la isku qabsan, balse hadda ay dawladdu usoo jeedsatay kaddib markii dhalinyaro badan ay ku ba'een isla markaana khataro badan lafahooda u galeen.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]