Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa u ambabaxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka IMF
Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa waxyaabaha sannadkaan looga hadlayo waxaa kamid ah barnaamijka geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya.
Kheyre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxaa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga Adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray.
Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad SMP4.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]