4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Faah faahin ka soo baxeysa saddex ruux oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay saddex ruux oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana mas'uuliyada sheegtay Al-shabaab.

Dilkan oo gaar ahaan ka dhacay degmada Waabari ayeey goobjoogayaal sheegeen in ay ahaayeen saddexda ruux oo dhamaantood Rag ee la toogtay ahaayeen dad shacab ah, balse Al-shabaab oo mas'uuliyada dilkan sheegtay ayaa ku tilmaamay dadkan ay toogteen in ay ka tirsanaayeen Nabad-sugida Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kadib ay goobta soo gaareen Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo goobta ka qaaday meydka dadka la dilay,sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kadib ay goobta soo  gaareen ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo goobta ka  qaaday meydka dadka la dilay,sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo aan wax  natiijo ah kasoo bixin.

Dilalkan noocan oo kale ah ayaa ku badan magaalada Muqdisho waxaana inta badan mas'uuliyadooda sheegtay Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]