11/21/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2019
Somaliland oo sheegtay in 190 milyan oo dollar lixdii bilood ee hore ee sanadkan kaga baxday Qaad


 

Arbaco, Octobar 16, 2019 (HOL )– Wasiirkii Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in lixdii bilood ee u horeeyey sanadkan lacag ka badan 190 milyan oo dollar lagu soo iibsaday Qaad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto lacagta adag ee shacabka kaga baxaysa maandooriyaha Qaadka, waxaanu xusay in uu cashuur ku kordhiyey si loo yareeyo qaadka balse aanu sidaas ku yaraanayn.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in ganacsatadda Somaliland aanay dhaqan u lahayn in warshado la samaysto balse kaliya ay yaqaanaan in dibadda laga soo iibsado alaab ay ogyihiin qiimaha ay ka macaashayaan.

Sidaas waxa uu ka sheegay kulan uu u qabtay ardayda Jamacadaha ee dhaqaalaha oo lagaga doodayey dhaqaalaha Somaliland iyo caqabada hor taagan in uu kordho.

“Waxaanu warshado u yeelan waynay waa dhaqan, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, ninka lacagta haysta wuu sii og yahay inta uu ka faa’iiday shayga uu dibada ka keenayo, balse warshad lacagta la galinayo waxa ka soo baxaya maba garanayo, marka wuxuu ku odhanaya maxa khatarta I galinaya waxaan aan garanayo ayaan ka ganacsanayaaye, waxa kale oo iyana jirta in lacag badan kaga baxdo dhulkii iyo dayrkii inta aanad keenin warshadi waxaa kaga baxaysa lacag u dhow shan boqol oo kun, waxa kale oo aynaan lahayn xirfadii warshadaha, bir baa jabaysa waxa loo qaadaya dibadda”ayuu yidhi Shire.

Mar uu ka hadlayey lacagta Somaliland kaga baxda Jaadka waxa uu ku tilmaamay dhaqaale burbur iyo in lacagtii adkayd kaga baxdo Qaadka.

“Lixdii bilood ee sanadkan waxaynu soo iibsanay sagaal iyo toban milyan oo Killoo oo qaad ah, waxa inaga baxaya lacag adag oo ah boqol iyo sagaashan milyan oo doolar, waxa kale Jaadkaasi la dagaalamayaa wakhtigii, caafimaadkii iyo dhaqankii, waxaana fiican in la joojiyo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in mushkilada ugu weyn ee dhaqaale Somaliland haysta tahay lacag maalin walba ka baxaysa ee Jaadka lagu soo iibsanayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.









Click here
10/16/2019 2:41 PM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba albaabada u laabay xarumaha shirkadda CAMEL FOREX oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala Sarifto lacagaha qalaad.

10/16/2019 2:26 PM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Kulanka waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi xaashi cabdullaahi Guddoomiye kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Aqalka Sare iyo sidoo kale xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka ee baarlamaanka.

10/16/2019 12:48 PM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kula kulmay Xubno ka tirsan Sanduuqa Lacagta Aduunka.

10/16/2019 10:49 AM EST
Arbaco,Oktoobar,16, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad loogu dabbaaldegayo maalinta cuntada adduunka oo ku beegan 16-ka Bisha Tobnaad oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

10/16/2019 7:58 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in isgaarsiintii aysan shaqaynayn iyadoo dhinaca kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo milatari oo ka socda waddada u dhaxaysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba.

10/16/2019 4:43 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

10/16/2019 4:36 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa dalacsiiyay Taliyaha Amaanka Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Sadiiq Maxamed Dhogor.

10/16/2019 2:20 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Taliska cusub ee Booliiska Soomaalyieed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay taliye-yaasha Saldhigyada iyo hoggaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

10/16/2019 2:08 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa kulan deg deg ah ku yeeshay laamaha kala duwan Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobolleedka Galmudug.

10/16/2019 1:53 AM EST
Arbaco, October, 18, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan halkaa ku gubeen Gaari khudaar u soo siday magaalada Muqdisho.

10/16/2019 1:32 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inuu dalka Turkiga u dirayo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa Mike Pence, si ay Turkiga ugu cadaadiyaan inuu joojiyo dagaalka uu ku qaaday Waqooyiga Suuriya.

10/16/2019 1:27 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)- Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay sahaciyay tirada iyo dalalka ay ka soo jeedaan Maraakiib si sharci darro ah uga guuleysta xeebaha deegaannada uu maamulku ka armiyo.