4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2019
Taliyaha Amaanka Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo la dalacsiiyay

 

Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa dalacsiiyay Taliyaha Amaanka Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Sadiiq Maxamed Dhogor.

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada ayaa darajada Gaashaanle Dhexe loo dalacsiiyey Taliye  Sadiiq oo la sheegay in uu siweyn uga shaqeeyay Amaanka Garoonka diyaaradaha tan iyo markii ay bilaawdeen ololihii doorashada maamulka Jubbaland.

Madaxweynen Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadaalkiisa iyo kartida uu shaqada u leeyahay ay sababtay dalacsiinta,islamarkaana uu ku boorinayo  in shaqada uu sii dardar galiyo.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo marka laga soo tago ciidamada Jubbaland ay Amaankiisa gacanta ku hayaan ciidamada ka socda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa loo diiday in ay ka degaan mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo musharixiinta qaarkood ee loo arkayay in ay taageero siineyso dowladda Soomaaliya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]