4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2019
Gaari Khudaar siday oo lagu gubay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, October, 18, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan halkaa ku gubeen Gaari khudaar u soo siday magaalada Muqdisho.

Gaariga la gubay oo noociisu ahaa Hoomey ayaa goobjoogayaal sheegeen in  kooxo hubeysan ay ku gubeen xili uu marayay inta u dhexeeysa  deegaanada Lambar60 iyo Buulo Naagey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in gaadiidkaas  ay gubeen rag ka tirsan Al-shabaab,islamarkaana ay  israsaaseyn  daqiiqado socotay dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo ragii gubay Gaariga.

Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale gobolka Shabeellaha Hoose dab la qabadsiiyo Gaadiid ganacsi oo badeecooyin kala duwan u siday dhulka ay maamusho dowladda Soomaaliya, Inkastoo inta badan aan la sheegan mas'uuliyada falalka noocan ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]