4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2019
Xildhibaannada Hirshabeelle oo lagu amray in ay dib ugu soo laabtaan Jowhar

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa  ku amray xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle inay  dib ugu soo  laabtaan magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka HIrshabeelle kadib markii uu dhamaaday fasaxii ay ku jireen.

Maalmaha soo socda ayuu sheegay in uu furmi furnayo kulanka Baarlamaanka, si dib loogu anbaqaado howlaha horyaala golaha.

Baarlamaanka Hirshabelle  oo lagu waday in uu furmo bishii aynu ka soo  gudubnay ayaa dib u dhacyo  xoog leh kala kulmay xildhibaanada oo ka  maqan caasimada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa fariin uu u direy  xildhibaanada ugu sheegay inaysan qaadan doonin gunadooda haddii aysan  soo gelin magaalada Jowhar.

Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa uu  shacabka ku nool Magaalada Jowhar ka dalbaday in ay la shaqeeyaan  ciidamada Amniga si loo sugo Amniga magaalada Jowhar,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]