4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Madaxtooyada oo si kulul uga hadashay sawirrada madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo lagu soo bandhigay Isgoyska Zoobe

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Gaadii lagu soo xardhay Sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Kheyre oo maalintii shalay lagu soo bandhigay xuska Sanad-guuradii Labaad ee ka soo weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 14kii October 2017 ka dhacy Isgoyska Zoobe.

Gaadiidkan oo la soo dhigay bartamaha Isgoyska Zoobe ayaa lagu soo xardhay sawirrada madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaare Kheyre oo Dhiig Shubaya, taasoo ka tarjumeysa sida ay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhu uga qeybqaateen gurmadkii caafimaad ee loo fidiyay dadkii ay wax-yaaladu ka soo gaartay maalintaa Qaraxii Zoobe.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu sheegay in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo ay tahay dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.

 

“Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn. Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa”ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Sawirradan ayaa markii lagu arkay Isgoyska Zoobe maalintii shalay waxaa ayeey dadka intooda badan ku micneeyeen wax u eg Olole doorasho, madaama xiligaa ay jireen madax faro badan oo ka qeybqaatay gurmadii caafimaad ee dadka loo fidinayay, laakiin aan lagu xusin munaasabadii shalay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]