4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Ahlu Sunna oo saluug ka qabta guddi ay dhawaan magacaawday dowladda Soomaaliya

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)- Mas'uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ee fadhiggoodu yahay degmada Dhuusa-mareeb ee Gobol Galguduud ayaa dood ka keenay guddi dhawaan dowladdu u saartay farsamada iyo dhismaha maamulka Galmudug.

Kulamo maalmihii ugu danbeeyay uga socday madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna Waljameeca degmada Dhuusa-Mareeb ayeey ku go'aansadeen in dariiqa loo maray dhismaha guddiga uusan aheyn mid sax ah, sidaa daraadeed loo baahan yahay in dib looga wadda hadlo.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa dalbanaya in Gudiga loogu biiriyo 5 Ilaa 6 Xubnood oo ka dheeri ah 13kii Xubnood ee horay loo magacaabay, waxaana soconaya wadahadallo hoose oo dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Ahlu Sunna ee  ku sugan Dhuusa-Mareeb.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye  ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu tago Magaalada Dhuusa-Mareeb si  Ahlu Sunna loogu qanciyo guddiga iyo howlahooda bilaaban.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa  dhawaan sheegay in dowladda federaalka ay ka baxday heshiisyo ay la  gashay Ahlusunna halka qaarkood ay balan qaaday aysan weli fulin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]