4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Golaha Wasiirada Somaliland oo kulan ka yeeshay sidii hay’adaha dawladda looga hirgalin lahaa nidaamka E-Government

 

Sabti, Octobar 12,  2019  (HOL )– Golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa kulankooddan kaga dooday hirgalinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system), kaasi oo ah nidaam casri ah oo dawladdu ku shaqayn doonto.

Nidaamkan waxa soo bandhigay Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, waxaanay faahfaahin ka siiyeen qaabka uu u shaqayn doonno,waxaana la sheegay in barnaamijkani yahay mid hufan oo degdeg ah, kaasi o o dhammaan adeegga dawladda u beddelaya habka horumarsan ee casriga ee la jaanqaadaya Tignoolajiyadda casriga ah (Electronic Government), si dawladda Somaliland ula jaanqaaddo horumarka Tiknoolajiyadda, waxana barnaamijkani uu ka qayb-qaadan doonaa horumarka dhaqaalaha, fidinta adeegga bulshada, ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda, daah-furnaanta shaqada, maamul daadejinta shaqooyinka, xaddidaadda kharashaadka haatan dawladda kaga baxa Tiknoolajiyada, keydinta iyo ilaalinta badqabka xogta dawladda iyo fududaynta macluumaadka sharciga, wuxuuna isku xidhidoonaa hay’adaha laamaha dawladda isagoo midaynaya wasaaraddaha shaqo wadaagga leh.

Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u horraysay ee laga hirgelinayo Somaliland, taasoo muujinaysa heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu u guurtay ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame.

“Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII).”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynuhu Maxamuud Warsame.

Barnaamij hadii uu hirgalo wuxuu noqonaya mid dadajinaya dadweynaha adeega u doonta dawladda, taasi oo fududaynaysa shaqooyinka laga sugayo wasaaradaha dawladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.