4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Aadan Barre Ducaale '' Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya yaan waxba farta lagu fiiqin waxey ka mid yihiin ciidanka AMISOM



 

Sabti, October, 12, 2019 (HOL)-Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo khudbad ka jeedinayay munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland ayaa soo hadal qaaday ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Aadan Barre ayaa sheegay in mowqifka Kenya  Soomaaliya uu yahay kaliya in la helo sida uu hadalka u dhigay Soomaaliya oo Nabad ah oo Mid ah, isaga oo tusaale u soo qaatay joogitaanka ciidanka Kenya ee Soomaaliya isaga oo dhanka kale sheegay in aan si gooni ah loo faquuqin ciidanka Kenya ee gaar ahaan ku sugan deegaannada Jubbaland.

''Waxaan rabaa  in maanta halkan ka sheego ciidanka halkan jooga ee Kenya waxey u joogaan oo kaliya in ay la dagaalamaan kooxaha argagixisada kana difaacaan Shacaba Soomaaliyeed iyo Shacabka Kenya labadaba, waxaan leeyahay yaan si gaar ah farta loogu fiiqin ciidanka halkan jooga, yaan la faquuqin ciidankan waxey ku joogaan oo ay ku shaqeeyaan magaca AMISOM, waxey la mid yihiin kuwa Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti'' ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Dhinaca kale Aadan Barre ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday xiriirka gaar ahaan Kenya iyo Jubbaland ka dhaxeeya isaga oo sheegay in xiriirkaasi yahay mid muhiim u ah nabada labada dalka madaama aynu wadaagno ayuu yiri Jubbaland xudduud dheer oo ku xiran nabad-galyada labada wadan.

” Jubbaland iyo dowladda Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo  aad u wanaagsan oo ku aadan wada-shaqeynta dhanka Ammaanka, waxaana hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jubbaland” ayuu yiri Aadan Barre  Ducaalle.

Ka qeyb-galayaasha munaasabadda ayuu ugu baaqay in ay isku raadiyaan sida uu hadalka u dhigay Soomaali mid ah oo aan siyaasadda leysku khilaafsaneyn.

Aadan Barre Ducaale ayaa hoggaaminayay wafdi ballaaran oo ka yimid dalka Kenya oo markiiba dib uga laabtay Kismaayo kaddib markii ay halkaa ka jeediyeen khudbadihii Kenya ee xaflada caleemo saarka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]