Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo gaaray Kismaayo
Sabti, October, 12, 2019 (HOL)-Wafdi uu horkacayo hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan
Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee
NFD.
Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid
diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada
Nairobi ee dalka Kenya.
Sidoo kale wafdigan ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka dhaceysa Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amar duulimaadyada ka imanaya Nairobi lagu farayo in ay soo maraan magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn go'aanka ay ka qaadan doonto talaabadan Kenya ay ku jabisay amar ka soo baxay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]