4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2019
Wararkii ugu danbeeyay qaban-qaabada munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland

 

Sabti, October, 12, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay ka soconeyso qabanqaabadii ugu danbeysay munaasabada caleemo saarka a Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Munaasabadda caleema saarka ayaa ah mid si aad ah isha loogu haayo, gaar ahaan khudbadaha ay ka jeedin doonaan Madaxdii hore ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiin.

Horay ayaa labo jeer oo hore dib loo dhiggay caleema saarka sababo ku aadan cadaadis ka yimid dowladda Federaalka, kaddib markii ay xayiraad saartay diyaaradaha Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdigii ugu badnaa ay ku sugan yihiin magaalada, waxaana waddooyinka lagu arkayay ciidamo kala duwan oo amniga sugaya, sidoo kalena baaritaan ku sameynaya gaadiidka kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]