Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Waxaa
duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii
64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee Ururka Bariga Africa ee
la dagaalanka Ayaxa Saxaraha(DCL0-EA) 10th-11th October 2019.
Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib ugu biirtay ururka kadib 29 sano oo
ay banaanka ka ahayd iyadoo 1991 kii kadib aysan qayb ka ahayn shaqooyinka
ururka goboleedka DLCO-EA.
Wasiirka Beeraha Dowlada Federalka Itoobiya Dr.Sani Redi Ahmed oo ah
Gudoomiyaha Urur Goboleedka ee sanadkaan iyo Agaasiimaha Guud ee Ururka
Dr.Stephen W.Njoka,ayaa si rasmi ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu
soo noqotay ururka DLCO-EA ee la dagaalanka Ayaxa guurguura ee lama
dagaanka,iyadoo ay heli doonto adeegyada ururka u qabto dalalka xubnaha ka ah
Urur Goboleedka DLCO,
Ayaxa iyo Shimbiraha ayaa waxay ka mid yihiin dulimada hayaama dhib weyna ku
haya beeraleyda Soomaaliyeed.
Ayaxu wuxuu dhib weyn ku hayaa goboladda Awdal, Bari iyo Sanaag. Halka
Shimbiraha dhib weyn u geysteen dhammaan goboladda koonfureed
Gu’gii aan soo dhaafney ayna dhibaata weyn u geysteen Bariiska iyo
Masagada.
Dib ugu biirida Urur goboleedkan waxay Soomaaliya u fududeen
doontaa helida adeegyada ay u baahnaayeen beeraleyda Soomaaliya, taas oo yereen
doonta khasaaraha beeraleyda Soomaaliya uga imaan jirey Ayaxa iyo Shimbiraha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]