3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo

 

Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Waxaa maanta ka deggay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland wafdi uu horkacayay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare Abshir Bukhaari.

Waxaa sidoo kale wafdiga maanta taggay Kismaayo ka mid ah xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo dhamaantood ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga maanta taggay Kismaayo ayaa ku biiraya mas’uuliyiinta siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Dowladda Federaalka ayaa siweyn uga biyo-diidan dib u doorashada madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana ay dowladdu sheegtay in aan dariiq sharci ah loo marin doorashadaas, sidaa daraadeed aysan aqoonsaneyn natiijada ka soo baxday.

Kismaayo sidoo kale waxaa madaxweynayaal uga dhawaaqay oo ku sugan Cabdirashiid Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo Cabdinaasir Seeraar oo ah siyaasi horay ula soo shaqeeyay Axmed Madoobe, laakiin waayadii ugu danbeeyay ay siyaasada ku kala taggeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 













Click here
10/11/2019 4:45 PM EST
Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Waxaa duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii 64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee Ururka Bariga Africa ee la dagaalanka Ayaxa Saxaraha(DCL0-EA) 10th-11th October 2019.

10/11/2019 11:28 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Laba gantaal ayaa lagu weeraray Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran, xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Sacuudi Carabiya, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah.

10/11/2019 8:57 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan duullaadka ah uu ku dhex maray ciidamada dowlada federalka iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ah.

10/11/2019 7:19 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Diyaarad rakaab ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi kaddib markii diyaaradda ay ka baxday khadka garoonka ay diyaaradaha ku orddaan.

10/11/2019 6:53 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya wafdi sare u direyso caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

10/11/2019 5:34 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda.

10/11/2019 4:04 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta ee Federaalka, waxaana ka mid ah mas'uuliyiinta Kismaayo ku sugan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

10/11/2019 1:58 AM EST
Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

10/11/2019 1:48 AM EST
Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.