4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Ayax ku degey degaano gobolka Sool ka mid ah

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaadhaya degmada Xuddun ee waqooyiga gobolka Sool ayaa faro xun ku haya degaanadii ay roobabka ka da'een.

"Wuxu u duulayaa xayn xayn, xawli aad u badana waa ku soconayaa, hada waxa lay sheegay in uu magaalada u soo jiro wax ka yar 5km. dhinaca bari dooxada Gobley" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Cali Faarax oo intaas ku daray in dhulka doogaleh uu raacayo.
 
Ayaxan oo mudadii u danbaysey lagu sheegayey dhulka bada u jeeda ee gobolka Sanaag ayaa la sheegayaa in uu si xawli leh ugu soo dhaqaaqay dhulkii roobabka dayrtu ka da'een.
 
"Beeraha magaalada Xuddun waxaa laga hayaa gaadh oo dadku ma hayaan waxay kula dagaalamaan ee waxay garaacayaan daasado qiiqna waa ku shidayaan si uu uga leexdo" sidaana waxaa sheegay Maxamed Jaamac Mahad oo intaas ku daray in aanay hadana ka badbaadin karin.

Ayaxan ayaan ku ekayn degmada Xudun oo waxa kale oo lagu sheegay meelo ka ka mid ah waqooyiga degmada Laascaanood.

Qaar ka mid ah duqeytida waayo araga ah oo aan ayaxan wax ka weydiiney ayaa ka dayriyey xili roobaadka danbe oo ay dhalan doonto dhasha uu hada ku aaso dhulka qoyan ee uu marayo.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool