4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2019
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Hubinta iyo Tirakoobka Shaqaalaha Dowladda

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta meel mariyay natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha dowladda.

“Waxa aan diiradda saareyno ayaa ah in la helo howlwadeenno adeegga qaranka u fuliya sida ugu wanagsan, waxayna tahay talaadaba aan horey u qaadeyno in la helo shaqaale khibrad leh shaqada ay qabanayaan oo ku yimaada si hufan.”ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa 2018 iyo 2019 waxa ay laba jeer tikarboob, madax ka tirin iyo diiwaan gelin la socotay ku sameysay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]