4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo sheegay in warbixintii uu soo saaray siyaabo Khaldan loo tarjumay

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye oo maanta kula hadlay Muqdisho warbaahinta ayaa sheegay in warbixintii uu shalay soo saaray oo ku saabsaneyd warbixin sanadeedkii 2018 si qaldan loo fasirtey lagana been sheegay.

Hantidhowraha ayaa dhaliilay sida loo fasirtey warbixintii shalay uu soo saaray oo ku qorneyd in la la’yahay malaayiin dollar.

“Warbixintii aan soo saaray dad dano gaar ah leh ayaa si gaar ah u fasiray, kuma jirin lacago la lunsaday.”ayuu yiri hantidhowraha qaranka.

Waxaa uu dadka qaarku dhaliilay in warbixinta aysan u akhrin sidii loo baahnaa,isaga oo ugu baaqay Warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeed inay dhameystirtaan.

“Adduunka oo dhan ayay ka jirtaa markii warbixinada noocaan oo kale ah la soo saaro in si qaldan loo fasirto lagana faa’iideysto,waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed & Warbaahinta inay warbixinta akhristaan ayna dhameystaan” ayuu yiri Hanti-dhowraha Qaranka.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay in Dowladda Federaalka ah looga baahan yahay inay ka faa’iideysato warbixinta uu soo saaray hab maamulka Maaliyadda dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]