4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)- Daqiiqado ka hor waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo caga-dhigatay diyaar ay la socdeen wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo toos uga soo anbabaxay magaalada Garoowe.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Wafdiga madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo laakiin dib u doorashadiisa ay siweyn uga biyo diidan tahay Dowladda Federaalka oo dhinaceeda ku dhawaaqay qorshe cusub oo maamul loogu sameynayo Jubbaland.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay Kismaayo tagaan wafdi ku biiraya wafuudda halkaa u joogta ka qeybgalka munaasabadda caleemo saarka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonna.... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]