Khilaaf ka dhashay shaqo ka joojin lagu sameeyay taliyihiin ciidanka Booliiska Hirshabeelle ee degmada Jalalaqsi
Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo Degmada Jalalaqsi u tagay xalinta xiisad halkaasi ka taagneyd ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaasi Muuse Salaad.
Degmada Jalalaqsi waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad ka dhalatay iska horimaad gudaha degmada ku dhaxmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti iyo ciidamada Booliiska degmada ee maamul gobolleedka Hirshabeelle.
Taliyaha Booliiska saldhiga degmada Jalalaqsi Muuse Salaad ayaa dhawaan diiday in ciidamada AMISOM damiyaan shirkadaha isgaarsiinta xili
ay doonayeen AMISOM in miino baaris ka sameeyaan degmadaasi iyo hareeraheeda.
Ciidamada AMISOM ayaan aad uga carooday talaabada uu qaaday taliyaha
booliiska, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Jalalaqsi ka
tganeyd xiisada u dhaxeesay AMISOM iyo booliiska Jalalaqsi.
Taliyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa diiday in uu u hogaansamo
amarka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in taliyaha
wali ku adkeesanayo in uu shaqadiisa sii wato.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]