Jubbaland oo beenisay in ay jiraan ciidamo u goostay dhinaca dowladda Soomaaliya
Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxba kama
jiraan ku tilmaamay in ay jiraan Boqolaal ciidamo ah oo u goostay dhinaca
dowladda Soomaaliya.
In ka badan 200 oo ciidamo ah oo
horay uga tirsanaa Jubbaland ayaa ku dhawaaqay iyaga oo ku sugan degmada Luuq
in ay ku biireen dowladda Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan ciidamada oo
lagu magacaabo Maxamed Cabdi Muudeey ayaa BBC u sheegay in ay go’aankan qaateen
kaddib markii uu isfaham waa soo kala dhax-galay
iyaga iyo maamulka Jubbaland.
Laakiin madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland
Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay ‘’ "Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow
waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo
waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan
dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq,
iyaguna waxaa ay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka
taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar
la'aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga
tagaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan,
meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto", ayuu yidhi
madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaa ku daray in
Dowladda Federaalka iyo Jubbaland meelna kala jirin sidaa daraadeed warkaasi yahay
mid aan waxba ka jirin.
Bilihii ugu danbeeyayba waxaa jiray xurgub
siyasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe ee Federaalka iyo maamulka Jubbaland
kaddib doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe oo ay dowladda Federaalka ku
tilmaamtay sharci darro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]