4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2019
Qof ku dhintay shil gaar ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso

 

Talaado, November, 05, 2019 (HOL)- Hal Qof ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dulleedka magaalada Boosaaso sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska dowlad gobolleedka Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo tagay goobta uu shilka ka dhacay ayaaa sheegay in gaarigu uu ku dhacay god weyn oo ay dumiyeen Roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay deegaanka.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in arintan ay sababtay in ay gabi ahaan joojiyaan isku socodkii gaadiidka magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ilaa laga maareynayo ama dib u habeyn looga sameynayo wadadda oo ay saameyn ku yeesheen Roobabka da’aya.

Dowlad gobolleedka Puntland ayaa ka mid ah halka ay ka dhacaan shilalka ugu badan ee gaadiidka marka laga soot ago deegaannada Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]