4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo xil u magacaawday wiil uu dhalay Duqii hore ee gobolka Banaadir Eng Yariisoow

 

Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa u magacaabay xoghayaha koowaada Ergada Soomaaliya ee Qarramada Midoobey wiil uu dhalay Duqii hore ee gobolka Banaadir Alle ha u naxariisteen Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Maxamed Cabdiraxmaan  Cumar Cismaan Yariisoow ayaa noqonaya xoghayaha koowaad Ergada Soomaalida ee Qarramada Midoobey waxaana uu Wasiirku ka dalbaday mas'uulkan cusub in uu xilkiisa wanaagsan u guto.

Duqii hore ee Muqdisho Eng Yariisoow ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana qaraxaa sidoo kale ku dhintay mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]