4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2019
Macharia Kamau'' Waftigii Kenya ee ka qeybgalay caleemo saarkii Axmed Madoobe ogolaasho ayeey ka heysteen dowladda Soomaaliya

 

Isniin, November, 04, 2019 (HOL)-Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in wafdigii bishii hore ka qeybgalay caleemo saarkii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ku tageen Kismaayo ogolaashaha Dowladda Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay dowladda Kenya in ay si cad ugu soo xadgudubtay hawadeeda kaddib go'aankii ahaa in diyaaradaha ka imanaya Nairobi soo maraan Muqdisho inta aysan u gudbin gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

Laakiin warkan ku saabsan in dowladda Soomaaliya ogolaasho siisay wafdigii uu horkacayay Aadan Barre Ducaale ee Kismaayo uga qeybgalay caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa ah mid ku cusub guud ahaan warbaahinta.

''Wax xadgudub ah ma jirin Kenyaankii tagay caleemo saarka madaxweynihii lagu soo doortay sida xorta iyo xaalasha aheyd ee Axmed Madoobe wey ogeyd dowladda Soomaaliya'' ayuu yiri xoghayaha joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

 

Laakiin waxaa uu meesha ka saaray in Kenya laga lahaa diyaaradii ugu horreysay ee ka degtay Kismaayo oo ay la socdeen wafdigii ay ka midka ahaayeen Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed,  waxaana uu sheegay diyaaradaasi aheyd mid yar oo laga lahaa Soomaaliya.

Macharia Kamau ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uusan hadda waxba ka qaldaneyn, balse ay jeclaan lahaayeen dhankooda in arinta badda lagu xaliyo wadahadal.

Wafdigii tagay Kismaayo ee ka socday dowladda Kenya waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale waxaana ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]